Wasiirka Wasaarada Warfaafinta Soomaaliya Eng. C/ramaan Cimar Cusmaan “Eng. Yariisow” waxa uu maanta shaqo-ka-fariisin ku sameeyey Agaasimaha Guud ee Warfaafinta, C/risaaq Cali Yuusuf Bahlaawi iyo Agaasimaha Maamulka iyo Maaliyadda ee Wasaaradda Warfaafinta.
Qoraal uu uu soo dhigay Bartiisa Facbook- ga ayuu ku sheegay sidatan:-“Waxaan maanta shaqo ka fariisin ku sameeyey Agaasimaha Guud iyo Agaasimaha Maamulka ee Wasaarada Warfaafinta, ka dib eedeymo la xiriira maamul-xumo iyo musuqmaasuq. Dowladda Federaalka wey ka go’antahay inay si kasta ula dagaasho maamul xumada iyo musuqmaasuqa“ ayuu yiri Wasiir Yasiisow.
Dhanka kale waxaa uu Wasiirka Warfaafinta uu si KMG xilka Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Warfaafinta ugu magacaabay Agaasimihii Wakaaladda Wararka SONNA Cabdiraxmaan Sheekh Yuusuf Al-Caddaala.
Sidoo kale Wasiirka Eng. Yariisow waxa uu Xilkii ka qaaday Agaasimeyaasha TV-ga Qaranka iyo Radio Muqdisho, wuxuuna xilka Agaasimaha Tv-ga u magacaabay Liibaan Cabdi Cali halka Agaasimaha Radio Muqdisho loo magacaabay Cabdifitah Dahir jeite