Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada oo amar ku bixiyay in wasiiradu ka guuraan dhismaha Madaxtooyada

Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada Villa Soomaaliya ayaa soo saaray warqad amar ah oo uu ku farayo dadka degan dhismaha weyn ee Madaxtooyada inay kaga guuraan muddo 14 maalmood ah.

Warqad uu soo saaray Agaasimaha ayuu ku wargeliyay dadka degan Madaxtooyada oo isugu jira Wasiiro, Xildhibaano, siyaasiyiin iyo dad kale oo martida dowladda ka mid ah inay ka guuraan dhismaha Madaxtooyada, si loo dhiso.

Agaasimaha ayaa si gaar ah arrintan u ogeysiiyay Taliyaha Ilaalada Madaxtooyada iyo Abaanduulaha Ilaalada oo lahaan doona fulinta iyo dhaqan gelinta amarka marka uu dhamaado mudada 14-ka maalmood.

Tallaabadan ayaa ka dhigan mid meesha ka saari karta Mas’uuliyiinta iyo hey’adda dowladda in wixii hada ka dambeeya aysan sii degenaan doonin xeyndaabka Madaxtooyada, oo ah meel ammaankeeda aad loo adkeeyay, inta badan Mas’uuliyiinta dowladda u ah gabaad.

Madaxtooyada Villa Soomaaliya oo horay ay u dayactirtay Dowladda Imaaraadka Carabta xilligii dowladdii Xasan Sheekh ayaa la ogeyn dayactirkan cusub waxa uu soo kordhinayo, waxaana laga cabsi qabaa in amarkan ay ku hoos jiraan arrimo kale oo qarsoon.

Halkan hoose ka akhriso warqada.