Afhayeenka ONLF oo ka hadlay Go’aanka Golaha Wasiirada

Jabhada ONLF ayaa waxa uu si kulul uga hadlay go’aanka ka soo baxay Golaha Wasiirada Soomaaliya oo maanta kulan ku yeeshay magaalada Muqdisho, kaasi oo sheegaya in C/kariin Qalbi-Dhagax uu ahaa sarkaal sare oo ka tirsan Jabhadda hubeysan ee ONLF, isla markaasna uu falal lidi ku ah amniga dalka uu ka dhexwaday geyiga Soomaaliya iyo mandaqadda, iskaashi dhowna la lahaa Al-Shabaab.

Afhayeenka Jabhada ONLF C/qaadir Sheekh Xasan (Hirmooge) oo la hadlay Idaacad Maxali ah ah oo ku taala magaalada Muqdisho ayaa marka hore sheegay ONLF in uu yahay urur sharci ah, Soomaali dareenkeeda wadani ah metela.

Wuxuu sheegay warkan ka soo baxay Golaha Wasiirada in uu ahaa mid ay Soomaalida sugeysay, isaga oo sidoo kale sheegay bayaankan in uusan ula ukeyn mid ay qoreen masulliyiin Soomaaliyeed, balse ay soo qoreen Saraakiil ka tirsan Itoobiya.

Sidoo kale wuxuu sheegay C/kariin Qalbi-Dhagax in uu ku dhashay Soomaaliya, xoogga dalkana uu ka tirsanaa, una dhaawacmay xaq buuxana uu ku leeyahay Soomaaliya, balse aanan xilligan loo baahneyn in loo gacan geliyo gacan cadow, laguna tilmaamo Argagixiso.

Dhanka kale wuxuu sheegay Afhayeen (Hirmooge) in dhiibista Qalbi-Dhagax ee Itoobiya ay lug ku leeyihiin Madaxweynaha Soomaaliya, Ra’iisul Wasaaraha dalka, Taliyaha Nabad sugidda, balse wax walba ay dib ka soo cadaan doonaan.