Afhayeenka Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliya oo faahfaahin ka bixiyay dagaalkii SH/Hoose

Afhayeenka Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed Cabdullaahi Iimaan Ceynte oo maanta Warbaahinta kula hadlay Magaalada Muqdisho ayaa Faahfaahin ka bixiyay howlgaladii shalay ciidamada dowladda Soomaaliya ay ku qabsadeen degaano ku yaalla gobolka Shabeelaha Hoose.

Waxaa uu sheegay in howlgalkaasi ay si wadajir ay u fuliyeen ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM,islamarkaana Al-Shabaab ay kala wareegeen degaanka Bariire iyo sidoo kale degaano kale.

Afhayeenka ayaa sheegay in howlgalada aysan joogsan doonin ilaa Inta  Al-shabaab laga saarayo meelaha wali gobolka Sh/Hoose ay kaga sugan yihiin.

Waxa uu intaasi kusii  daray hadalkiisa in maadaama gobolka Sh/Hoose yahay meel Istiraatiiji ah lagama maarmaan ay tahay in Al-Shabaab laga saaro.

Waxaa uu dadka Shacabka ah ugu baaqay in ay la shaqeeyaan ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed.