Kadib duqeymo dhowr ah oo ciidamada Mareykanka ka geysteen Gobolka Shabeelada Hoose ayaa waxaa soo baxaya warar ku saabsan in la dilay afhayeenkii sare ee kooxda Alshabaab.
War laga soo xigtay shabakadda SOFREP ee ka faaloota arrimaha argagixisada ayaa sheegaya in Afhayeenkii Alshabaab Sheekh Cali Maxamud Raage (Sheekh Cali Dheere) lagu dilay weerar dhowaan ka dhacay duleedka magaalada Baraawe, degaanka Kuunya-barrow.
Weerarkan ayaa ka dhacay Aroortii Khamisitii iyadoo ay wadajir u qaadeen ciidamada Mareykanka ee gaarka ah iyo kumaandooska Soomaalida ee DANAB, waxaana lala beegsaday saldhig ay Alshabaab ku lahaayeen Kuunya-barrow, waxaana howlgalka lagu sii daayay maxaabiis Alshabaab u xirnaa.
Marar badan ayaa hore loo sheegay in la dilay afhayeenkan iyadoo aan sidoo kale la hubin warka cusub ee ku saabsan inuu duqeyn ku dhintay. Afhayeenka Alshabaab ayaa la sheegay inuu inta badan ka howlgalo Gobollada Galgaduud, Hiiraan iyo Sh/Hoose.