Afar Qof oo lagu dilay Deegaan ka tirsan Gobolka Galgaduud

Sida aan wararka ku helayno waxaa saakay deegaanka kaxandhaale oo ka tiran Gobolka Galgaduud lagu dilay 4 qof oo xoola dhaqato ah.

Dilkan loo gaystay dadkaan reer guuraaga ah ayaa waxa uu daba socdaa aanooyin qabiil oo mudooyinkii u dambeeyay ka taagnaa degaanka Kaxandhaale iyo degaanada kale ee ku dhow dhow.

Degaanka Kaxandhaale ayaa waxaa uu ku yaalla Xadka gobolka Galgaduud uu la wadaagto dowlad degaanka Soomaalida ee dalka Itoobiya.

Odayaasha dhaqanka degaanka ayaa waxa ay waddaan dadaallo kala duwan oo ay ku doonayaan in ay wax kaga qabtaan falalkaan kusoo laablaabtay degaanka Kaxandhaale .

Maalmo ka hor ayaa degaanka Gelinsoor lagu dilay Saddex ruux , waxaana Wararku ay sheegayaan in dilka Afartaan nin uu arintaasi la xariiro.