Af-hayeenka Shabaab oo sheegay in Weerarkii Bariire ay ugu aar gudayeen Dad shacab ah oo la laayay

Afhayeenka Xarakada Al-shabaab Shiikh Cali Maxamuud Raage (Cali Dheere) ayaa ka hadlay  weerarkii xooganaa ee shalay subaxdii lagu qaaday Saldhig ay Ciidamada Dowladda Soomaliya ay ku lahaayeen  deegaanka Bariire ee Gobolka Shabelaha Hoose.

Waxa uu sheegay Cali Dheere in weerarkaas uu aargud u ahaa dadkii beeraleyda ahaa ee  lagu xasuuqay deeganada Bariire iyo Tuulada Axmad Yare ee dhacda duleedka degmada Jilib ee Gobolka Jubada Dhexe.

Cod uu soo duubay  oo la dhageysan karo muddo 11 daqiiqo ah ayuu Shiikh Cali Dheere ku bilaabayaa dagaalkii  Bariire iyo tuulada Axmad Yare.
“Taariikhda mar ay ku beegneed  9-ka bisha Muraxam 1439, waxay Al-shaabab  weerareen Ciidamada Dowladda Soomaliya  ee uu Mareykanka soo tababaray ee ku sugan deegaanka Bariire, kuwaas oo joogay laba saldhig oo Mareykanka ay u dhiseen, difaacyo adagna u sameeyeen” ayuu yiri Shiikh Cali Dheere ayaa sheegay in qasaaraha hordhaca ee Ciidamada Dowladda Soomaliya  gaaray uu ka badan yahay  30-askari, Islamarkaana ay Al-shabaab  gacanta ku dhigeen gaadiid dagaal.

Cali Dheere ayaa tilmaamay in weerarkan uu fariin u yahay Mareykanka, Ciidamada Dowladda Soomaliya iyo cid kasta oo ku xadgudubta dadka Muslimiinta, Isagoona sheegay in dhiigga Muslimiinta aanan si sahlan lagu ilaawi doonin.

Shiikh Cali Dheere ayaa sidoo kale fariin adag u diray Dowladda, sidoo kalena sheegay in Mareykanka uu isna mar un dhadhamin doono Xasuuqa lagula dul dhacay Ciidamada Dowladda Soomaliya.

Ugu dambeyntii wuxuu afhayeenka Xarakada  Al-Shabaab Shiikh Cali Dheere u sheegay dadka Muslimiinta, Isagoona u sheegay in Al-shabaab  aysan ilaawi doonin dhiigga qof waliba oo Muslim ah oo si xaqdaro ah lagu daadiyey.