Abwaan Maxamed Warsame Hadraawi oo Hargeysa ku geeriyooday

Abwaan Maxamed Ibraahim Warsame Hadraawi ayaa maanta ku geeriyooday magaalada Hargeysa sida uu warbaahinta u xaqiijiyay Naasir Yuusuf Daahir oo ah Agaasimaha Waaxda Warfaafinta ee Madaxtooyada Jamhuuriyada iskeed ugu dhaaaqday madaxbannaanida ee Somaliland.

Abwaanka ayaa dhowaanahan xanuunsayay waxa uuna laf-dhabar u ahaa suugaanta Soomaalida, oo sameeyay heeso badan oo caan baxay, waxyaabaha lagu xusuusto waxa ka mid ah socdaalkii nabadda ee ku maray inta badan gobollada Soomaaliya burburkii dowladda kaddib. Wuxuu ka qeyb qaatay silsilado maanso, si aad ahna wuxuu uga soo horjeestay dowladdii kacaanka ahayd ee Soomaaliya. taariikhdiisa iyo dhacdooyinka lagu xusuusto noloshiisa ayaan halkan dhowaan idinkula wadaagi doonnaa.

Geerida abwaanka waxaa ka tacsiyeeyay mas’uuliyiin  xilal kala duwan kasoo qabtay soomaliya iyo kuwo hadda haya.

Waxa kamid ah raysul wasaarah Soomaliya Xamse Cabdi Barre oo ka tacsiiyey geerida naxdinta leh ee ku timid abwaan Hadraawi waxa uuna tilmaamay in abwaanku uu ahaa halyeey ka baxay ummadda Soomaliyeed.

Madaxweynihii hore ee Soomaliya Maxamed Cabdullahi Farmajo ayaa isaguna ka tacsiiyey geerida ku timid abwaan Hadraawi.

Sido kale raysul wasaarihii hore ee Soomaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa bartiisa Facebook kusoo qoray farriin uu kaga tacsiyeeyay geerida abwaan Maxamed Ibrahim Hadraawi.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Iskeed Madaxbannaanida ugu dhawaaqday ee Somaliland Muuse Biixi Cabdi waxa uu isaguna ka tacsiyeeyay geerida abwaan hadraawi waxa uuna ku tilmaamay geeri naxdin leh isagoo ilaahay uga baryay inuu jannadiisa ka waraabiyo.