Abaanduulaha Madaxtooyada oo beeniyay arin la sheegay inay gudaha madaxtooyada ka dhacday

Waxaa jiray warar la isla dhex marayey shalay kuwaas oo sheegaya in gudaha  Madaxtooyada Soomaaliya lagu qabtay askar iyo Shaqaale la shaqaynayay ururka Al-shabaab.

Arintaas ayaa waxaa maanta beeniyay amaanduulaha ciidanka madaxtooyada  Gaashaanle Odawaa Yuusuf Raage kaas oo la hadlay maanta warbaahinta gudaha ayaa sheegay inaysan jirin wax Askar ama shaqaale ka tirsan Al-shabaab oo laga qabtay gudaha Madaxtooyada.