Abaanduulaha cusub ee Qaybta 12-ka April oo la magacaabay

Wareegto kasoo Baxday Xafiiska Taliska Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliya ayaa waxaa Abaandullaha Qeybta 12 April ahna Madaxa Howlgainta loogu Magacaabay Maxamuud Macalin Koronto oo Xilal kala duwan kasoo qabtay Taliska Ciidanka Xoogga Dalka.

Qeybta 12 April ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliya ayaa ka Howlgala Gobolada Banaadir shabellaha Hoose iyo shabllaha Dhaxe
Maxamuud Macalin Koronto ayaa Sidoo kale waxaa loo dalacsiiyay Darajada S/Guudto isagoona Markii Hore ahaa G/Sare.

S/Guuto Maxamuud Macalin Koronto  waxa uu Xilal kala duwan kasoo qabtay Taliska Ciidanka Xoogga Dalka.

Abaandullaha Qeybta 12 April ayaa waxa uu kasoo qeyb qaatay Dagaaladii Al-shabaab looga Saaray Magaalada Muqdisho ee Magaaladda Muqdisho.