Xildhibaanada Galmudug ayaa goor dhow Ansixiyay Wasiiradii cusub ee dhawaan uu soo magacaabay Madaxweynaha Galmudug Mudane Axmed Geelle Ducaalle Xaaf.
Madaxweynaha Galmudug ayaa Xildhibaanada ka codsaday in ay ansixiyaan Wasiirada cusub Maadaama dhibaatooyin badan ay ka jiraan degaanada maamulka Galmudug.
57 Mudane ayaa soo xaadiray kulanka Baarlamaanka 52 Xildhibaan ayaa ogolaatay , waxaa diiday 5 Mudane.
Guddoonka Baarlamaanka ayaa ku dhawaaqay in ay ansax yihiin wasiiradda cusub.
Wasiirada ayaa badankood ah wasiiradii Madaxweynihii hore ee Galmudug Cabdkariin Xuseen Guuleed uu soo magacaabay.