Qaar ka mid ah Eheladda dadkii lagu xasuuqay degaanka Bariire ayaa wacad ku maray in aan la aasi doonin dadkii la dilay tan iyo inta dowladda Soomaaliya ay ka bixinayso Magdhow dilka dadkaasi.
Eheladda waxa ay sheegeen in si bareer ah loo dilay dadkaasi oo ahaa beeraley Masaakiin ah.
Ugaas Cabdi Daahir oo ka mid ah Eheladda dadka la dilay ayaa sheegay in aan la aasi doonin dadkaasi oo hadda ku jira Isbitaal ku yaalla Magaalada Muqdisho tan iyo inta laga bixinaayo Magdhow.
Mas’uuliyiinta ugu sareysa dowladda Soomaaliya ayaa kulan ay yeesheen ku qiray in dadkii halkaasi lagu dilay ahaayeen dad Shacab ah oo aan waxba galabsan.
Wasiirka Wasaaradda Warfaatinta dowladda Soomaaliya ayaa horay u sheegay in ciidamada dowladda ay dileen xubno ka tirsan Al-Shabaab.
Taliyaha Ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed Mudane Axmed Maxamed Jimcaale (Cirfiid) oo la hadlay VOA-da ayaa sheegay in dadkii Shalay lagu dilay degaanka Bariire ay ahaayeen dad Shacab ah oo Masaakiin ah.
Waxaa uu sheegay in ciidamada dowladda Soomaaliya ay si kama’ah ay u dileen dad Shacab ah, oo beeraleey ah oo aan waxba galabsan.
Halkan ka dhageyso Codka