Taliyaha Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliya oo sheegay in dad Shacab ah lagu dilay Bariire

Taliyaha Ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed Mudane Axmed Maxamed Jimcaale (Cirfiid) oo la hadlay VOA-da ayaa sheegay in dadkii Shalay lagu dilay degaanka Bariire ay ahaayeen dad Shacab ah oo Masaakiin ah.

Waxaa uu sheegay in ciidamada dowladda Soomaaliya ay si kama’ah ay u dileen dad Shacab ah, oo beeraleey ah oo aan waxba galabsan.

Taliyaha ayaa sheegay in dowladda ay arintaasi ay guddi u saartay ,islamarkaana ay waddaan baaritaano kala duwan .

Jeneraal Cirfiid ayaa qiray in warkii shalay kasoo baxay dowladda Soomaaliya uusan sax aheyn, halkaasina lagu dilay 10 qof oo Shacab ah.

Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya C/rashiid C/laahi Maxamed oo la hadlay VOA ayaa sheegay weerarkii  ka dhacay degaanka ee gobolka Shabeellaha Hoose in ay fuliyeen Ciidamada Dowladda Federaalka, oo aysan lug ku laheyn Ciidamo kale.

Wuxuu sheegay Wasiirka Difaaca Soomaaliya dadka halkaasi lagu laayay in ay ahaayeen 9 Qof oo rag ah, kuwaasi oo hubeysnaa, diideyna in ay dhigaan Hubka, xabadna bilaabay, Ciidamadana ay sidaasi ku dileen.

Wasaaradda Warfaafinta ayaa dhankeeda sheegay in dadkii lagu dilay Bariire ay ahaayeen Shabaab .