Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya Cabdirashiid Maxamed Cabdullaahi ayaa sheegay in hawlgal ka dhacay degaan u dhow Bariire maanta ay fuliyeen ciidamada dawladda.
Hawlgalkaasi ayaa saraakiishu xaqiijiyeen inay ku dhinteen 10 qof. Mid ka mid ah mas’uuliyiinta gobolka ayaa sheegay in ciidanka dilka gaystay ay ka tirsanaayeen shirkadda Bancroft, hase yeeshee waxaa taasi beeniyey wasiirka gaashaandhigga.
Wasiirka Gaashaandhigga ayaa sheegay inay dadkaasi hubaysnaayeen isla markaana ay rasaas fureen.
Marka laga Soo tago hadal Ka Wasiirka, Dadka deegaanka Bariire Oo warbaahinta Goobsan xiriir la samaysay ayaa noo xaqiijiyay in dhamaan Dadkii Maanta Ku geeriyooday deegaankaas Ay ahaayeen dad si weyn looga yaqaanayay Deegaanka isla markaana aysan Ku lug lahayn siyaasadaha is diidan Ee Ka jira dalka
©Goobsan Media