Dhageyso codka: Digniinta loo soo jeediyay dadka u damaashaad taga xeebta Liido

Wasiirka Warfaafinta Xukuumada Soomaaliya Eng-C/raxmaan Yariisoow ayaa Shacabka Soomaaliyeed uga Digay Qatar ay kala Kulmi karaan Xeebaha Magaalada Muqdisho Xiliyadaan oo uu Xusay ina Badu ay Aad u Kacsan tahay islamarkaana Bada ay ka jiraan Dabaylo.

Eng-yariisoow ayaa ugu Baaqay Dhalinyarada u Damaashaad taga Xeebta liido  in ay ka foojignaadaan Qatar ay kala Kulmi karaan bada oo uu Tilmaamay in aan maalmahaan aan leys ku haleyn karin Dabaylo ay ka jiraan Gudaha Bad-weynta Hindiya.

Wasiirka Warfaafinta Xukuumada Soomaaliya ayaa Sheegay in Dowlada ay Xaalada Xeebaha ay u xil saaratay Ciidamo gaar ah oo la soconaya isbadalka Bada si looga badbaado qatar ka timaada dhanka bada gaar ahaan Xeebaha Magaalada Muqdisho.

 Halkan ka dhageyso codka wasiir Yariisow