kuxigeenka Xoghayaha Guud ee QM oo soo gaaray Muqdisho (Sawirro)

Kuxigeenka Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobey ee dhinaca siyaasada Jeffrey Feltman ayaa maanta soo gaaray magaalada Muqdisho, isagoo kulamo la leh Madaxda dowladda.

Mr Jeffrey Feltman ayaa Madaxda dowladda kala hadli doona arrimaha siyaasada, horumaradii la sameeyay iyo waxyaabaha hor-yaala sida dib u eegista dastuurka iyo sidii dalka uga dhici laheyd doorasho qof iyo cod.

Kuxigeenka Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobey oo uu wehliyo Wakiilka Qaramada Midoobey u qaabilsan Soomaaliya Micheal Keating ayaa hada kulan la leh Guddoonka Baarlamaanka labada Aqal iyo Wasiirka Dastuurka Xukuumadda Soomaaliya.

Kulankan ayaa looga hadlayaa arrimaha dib u eegista dastuurka iyo siyaasad loo dhan yahay, waxaa kulanka ku sugan Guddoomiyaha Golaha shacabka Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari, Guddoomiyaha Aqalka sare Cabdi Xaashi Cabdullaahi iyo kuxigeenkiisa Abshir Bukhaari.

Sidoo kale waxaa uu la kulmi doonaa Kuxigeenka Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobey Madaxweynaha iyo Ra’iisul Wasaaraha.