Dowladda Soomaaliya ayaa maanta ku eedeysay beesha caalamka inay ka soo bixi waayeen ballanqaadyaddii taageero dhaqaale ee loogu fidiyay dowladda.
Dowladdu waxay ay sheegtay in ballan-qaadyada la fulin waayey ay ku jiraan kuwii ku xusnaa war-murtiyeedkii ka soo baxay shirkii Soomaaliya loogu qabtay London, bishii May ee sanadkan.
Hadalkan ayey dowladdu ka sheegtay shir maanta ka dhacay Muqdisho oo ay yeesheen madaxda dowladda iyo wakiilada beesha caalamka ee Soomaaliya.
Bishii May Ee sanadkan ayay ahayd markii Beesha Caalamka ay balan qaadeen in taageero dhaqaale la garab istaagi doonaan Dowlada Cusub Ee uu Madaxweynaha Ka yahay Mudane Maxamed Cabdulaahi Farmaajo.