SAWIRRO: Madaxweynihii hore ee Soomaaliya iyo Madaxweyne Farmaajo oo kulan ku yeeshay magaalada Qahira

Magaalada Qaahira ee dalka Masar waxaa ku wada kulmay madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo,iyo madaxweynihi hore ee Soomaaliya Cabdiqaasim Salaad xasan.

Kulanka ayaa waxa ay labada Masuul uga wada hadleen xaalada dalka Soomaaliya,iyada oo madaxweyne Farmaajo,uu warbixin ka siiyay xaalada xiligaan ee Soomaaliya.

Cabdi qaasim Salaad Xasan Madaxweynihii hore ee Soomaaliya ayaa ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed in ay iscafiyaan maadaama dhibaatada dalka Soomaaliya ka jirta ay sii dheeraatay si looga gudbo.

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya ayaa sidoo kale ku baaqay in dadka Soomaalida Midkii Xoolahiisa la dhacay iyo Midka dhibaateysanba la caawiyo si dhibaatada wadanka ka jirta ay u dhamaato ilaahna raali nooga noqdo intaa ayuu Cabdi Qaasim hadalkiisa kusoo gabagabeeyay.