Madaxweynayaasha Soomaliya iyo Masar Maxamed C/laahi Maxamed (Farmaajo) iyo Cabdifitaax Al Siisi oo kulan kuwada qaatay magaaladda Qaahira ayaa kawada hadlay xiriirka labada dal.
Xaqiijinta Ammaanka wadanka Soomaaliya ayaa noqday Ajandaha ugu weyn ee ay iskula soo qaadeen Kulan ay ku yeesheen Magaalada Qaahira.
Dowladda Masar ayaa ballan qaaday in Soomaaliya ay ka gacan siin dooto sugida Nabad Gelyada guud ahaan , iyo Xasilinta Magaalada Caasimadda ah ee Muqdisho.
Afhayeenka Madaxtooyada Masar Calaa Yuusuf Madaxweynaha Masar ayaa ugu Hambalyeeyay Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo Guushii uu ka gaaray doorashadii Madaxtinimo ee Soomaaliya Bishii February ee sanadkaan.
Sidoo kale Cabdifitaax Al Siisi ayaa soo dhaweeyay Cilaaqaadka labada dal oo uu sheegay in uu yahay mid wanaagsan islamarkaama Taariikh fog leh.
Madaxweynaha Masar ayaa u ballanqaaday Wafdiga dowladda Soomaaliya oo uu hoggaaminayo Madaxweyne Farmaajo in dowladda Masar ka taageeri doonto Soomaaliya dhinac kasta, sida dib u dhiska Hay’adaha Dowladda, Dhismaha Ciidamada Qalabka sida,islamarkaana ay kala kaashan doonaan Soomaaliya isdhaafsiga wax soo saarka labada Dal , sida Kalluunka iyo Xoolaha si ay kaalin uga geystaan Kobaca dhaqaalaha labada Dal.
Sidoo kale Wafdiga Madaxweyne Farmaajo ayaa lagu wadaa in ay la kulmaan Imaamka Ugu Weyn Al Azhar Al Shariif Diktoor Axmed Al Dayib kaas oo ay ka wada hadli doonaan arrimo kala duwan , gaar ahaan sida looga hortagi karo waxa loogu yeero Kooxaha Argagixisada .