Wasiir hore uga tirsanaa maamulka Soomaaliland oo magaalada Muqdisho ku sugan

Magaalada Muqdisho waxaa safar aan lasii shaacinin ku jooga Wasiirkii hore Ee Wasaarada arimaha dibada maamulka Somaliland Maxamed Cabdulaahi Cumar

Dr. Maxamed Cabdilaahi ayaa warar hor dhac ah ee laga helayo safarkiisu sheegayaan inuu kulamo la qaatay Raisulwasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Xasan Cali Khayre, islamarkaana ay kawada hadleen arrimaha Somaliland iyo Dowladda Soomaliya.

Sidoo kale wararka ayaa waxa ay sheegayaan  in Dr. Maxamed Cabdilaahi uu wali ku sugan yahay Muqdisho,islamarkaana aan wax xog ah laga helin qodobada ugu muhiimsan uu kala hadlay madaxda Dowladda Soomaliya.

Wasiirkii hore ee arimaha dibada somaliland Dr. Maxamed Cabdilaahi Cumar ayey sidoo kale wararku sheegayaan inuu ka qayb galay shirar kadhacay magaalada Muqdisho kuwaas oo lagaga hadlayey amaanka wadanka soomaaliya.

Dr.Maxamed Cabdilaahi Cumar oo hore u soo noqday wasiirka arimaha dibada somaliland, ayaa haatana ka mid ah saraakiisha sar sare ee xisbiga muxaafidka ah ee Kulmiye.

Maamulka somaliland ayaa dhawaan shirkii golaha wasiirada ku go’aamisay inaanay muwaadiniinteedu u safri Karin dalka soomaaliya, balse waxa laga war dhawrayaa talaabada ay ka qaadi doonto Dr.Maxamed Cabdilaahi oo ah masuul ka tirsan xisbiga Kulmiye.