Wararka aan ka helayno gobolka Shabellaha Hoose ayaa waxay sheegayaan in ciidamada dowladda Federaalka Soomaaliya oo garabsanaya kuwa AMISOM ay Al-shabaab kala wareegeen deegaanka Bariire ee gobolkaas.
Wararka waxay sheegayaan in ciidamadan ay saakay aroortii hore ay duulaan ku qaadeen halkaas, waxaana jirta iska caabin kooban oo ay kala kulmeen dagaalyahannada Al-shabaab, walow aan khasaare lasoo sheegin.
Al-shabaab ayaa la sheegay iney isaga baxeen deegaanka Bariire, waxaana sidoo kale deegaankaasi hadda ka socda barakac ay sameenayaan dadka shacabka ah.
Dad Goob joogayaal ah ayaa warbaahinta u sheegay in ciidanka dowladda iyo kuwa AMISOM ay bilaabeen iney degaan dhowr meel oo deegaankaasi ah.
Ciidamada Dowladda iyo kuwa AMISOM ayaa looga bartay in ay dib uga soo laabtaan fariisimaha ay ka qabsadaan Al-shabaab gaar ahaan degaanada katirsan Shabeelada Hoose.