Ayadoo Xaalad Siyaasadeed oo kacsan ay ka taagan Magaalada Jowhar ayaa xilligaan waxaa soo baxaya Xildhibaano iyo Wasiiro sheegaya in lagu Handaday Magaalada Jowhar ee xarunta maamulka Hirshabeelle.
Wasiir dowlaha Amniga maamulka Hirshabeelle Bishaar Xasan Xirsi oo Saxaafadda kula hadlay Magaalada Jowhar, waxaa uu sheegay in loo diiday inuu galo Hoteel uu ka deganaa Magaalada Jowhar,islamarkaana ciidamo hubeysan oo ka tirsan maamulka Hirshabeelle ay ku qabteen qoryo.
Waxaa sidoo kale uu sheegay in arintaasi ay ka dambeeyeen Mas’uuliyiin ka tirsan maamulka Hirshabeelle sida Wasiirka Arrimaha Gudaha.
Wasiir dowlaha sidoo kale waxa uu sheegay in xaaladooda Amniga ay Qatar ku sugan tahay Maadaama la handadaayo.
Magaalada Jowhar ayaa wali waxaa ka taagan xiisad siyaasadeed oo kacsan, waxaana xildhibaano iyo Wasiiro uu wato Madaxweynihii xilka laga qaaday la sheegay in ay dhibaato ku hayaan dadka kasoo horjeeda.