Madaxweyne Farmaajo oo ka qayb galay munaasabad gaar ah oo lagu qabtay magaalada muqdisho

Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo,oo Maanta Muqdisho uga qeyb galayay Munaasabad loogu magac daray Maalinta dabargooynta Cudurka dabeysha,ayaa ka hadlay dhibaatooyinkii ka dhashay cudurkaas.

Waxa uu sheegay in uu sababay dabargoynta Shacabka Soomaaliyeed iyo in ay u geeriyoodeen caruur aad u yar yar oo aan qaan gaarin kadib markii Cudurka Dabeysha ay ku dhcday.

Sidoo kale Madaxweynaha ayaa sheegay in dalka Soomaaliya uu horay uga bilaawday sidii loo ciribtiri lahaa cudurkaas,islamarkaana lagu guuleestay.

Gabagbadii waxa uu sheegay in dowladda Soomaaliya ay ka go’aan tahay dagaalka iyo Ciribtirka Cudurka Dabeysha.