Wararka ka imaanaya Gobolka Jubbada hoose, ayaa sheegaya xalay diyaaradaha dagaalka Kenya inay duqeyn ku garaaceen degaan dhaca duleedka Degmada Afmadow.
Dadka degaanka ayaa sheegay diyaaradaha dagaalka Kenya inay dhawr gantaal ku dhufteen miyiga fog degaanka Weelmaaroow, ee Gobolka Jubbada hoose.
Duqeynta Diyaaradeed oo ay fuliyeen Dowladda Kenya, ayaanan jirin faah faahin rasmi ah oo laga helaayo khasaaraha ka dhashay duqeyntaasi.
Xoogaga Shabaab ayaa Idaacad Afkooda ku hadasha , waxa ay ka sheegtay duqeyntaasi in lagu laayay xoolo badan goobta la duqeeyay ku sugnaa.
Al Shabaab ayaa sheegay ku dhawaad 10 neef oo geel ah inay ku dileen ciidamada Kenya duqeyntaasi oo sida ay sheegayaan socotay muddo hal saac ku dhaw.