Warar goor dhow na soo gaaray ayaa sheegaya in dagaalamayaasha Al-Shabaab ee saaka dagaalka ku qaaday Sheekh Mukhtaar Roobow Abuu Mansuur ay la wareegeen Tuulada Abal oo aheyd halkii uu saldhiga ku lahaa.
Warar laga helayo magaalooyinka Baydhabo iyo Xudur ayaa sheegaya in Mukhtaar Abuu Mansuur uu isaga soo baxay Tuulada Abal ee ka tirsan Gobolka Bakool, isla markaana labada dhinac ay duurka iskula maqan yihiin.
Dagaalka oo dhowr jeer la isku noqday ayaa la sheegayaa in maleeshiyada taabacsan Abuu Mansuur ay markii hore iska caabiyeen, inkastoo markii dambe dhowr jiho weerar laga soo qaaday.
Khasaaraha dagaalka ka dhashay ayaa wali si rasmi ah loo ogeyn, waxaa adag in la helo warar madax banaan oo ku saabsan dagaalka iyo khasaaraha labada dhinac kala gaaray.
Warar aan la xaqiijin ayaa sheegaya in Al-Shabaab ay gacanta ku dhigeen gaadiid dagaal iyo mootooyin uu lahaa Abuu Mansuur, sidoo kale waxaa la sheegayaa hub ay labada dhinac ku kala qabsadeen.
Afhayeen u hadlay Maamulka Koofur Galbeed ayaa sheegay in ciidamo gurmad ah u dirayaan Abuu Mansuur.
Ciidamo ka tirsan Maamulka Koofur Galbeed ayaa hada la sheegayaa inay ka soo dhaqaaqeen degmada Xudur, si ay gacan u siiyaan Abuu Mansuur.
Xiisada u dhaxeysa Mukhtaar Roobow iyo Al-Shabaab ayaa cirka isku shareertay, kaddib markii Mareykanka uu bishii June uu ka saaray liiska Argagixisada iyo lacagtii madaxiisa la dul saaray, waxaana markii Al-Shabaab ka war heleen ay u direen dalab ah inuu isku soo dhiibo, hase ahaatee wadaadka ayaa ku gacan seyray.
Al-Shabaab ayaa aad uga gaabsatay inay ka hadasho dagaalka, ma jiro wax warar ah oo lagu soo qoray boggaga Internet-ka ee taageera.