Dowladda Kenya ayaa sheegtay in dagaalyahano ka tirsan Xarakadda Al-Shabaab in ay Gaadiid kasoo Afduubteen gobolka Waqooyi Bari ee dalka Kenya.
Dagaalyahano ka tirsan Al-Shabaab ayaa la sheegay in ay weerar dhabagal ah in ay ku qaadeen gaadiidkaasi oo maraayay Degaano ka tirsan Magaalada Mandera ee Gobolka Waqooyi Bari ee Dalka Kenya .
Sida ay sheegayaan Mas’uuliyiinta dalka Kenya Gawaaridaasi oo gaaraya ilaa iyo labo, waxaa lala soo aaday dalka Soomaaliya.
Maxamuud Saalax oo ah Isku duwaha Gobolka Waqooyi Bari, ayaa Warbaahinta dalka Kenya u sheegay in Gawaarida la beegsaday saarnaayeen dad Shacab ah.
Sidoo kale waxaa uu tilmaamay in Weerarka Gawaaridaasi lagu Afduubtay uu ka dhacay degaanka lagu magacaabo Cumar-Jilacoow oo dhaca Magaalada Mandera.
Waxaa uu sheegay in Kooxihii hubeysanaa aysan cidna dilin , laakiin Gawaaridii kaliya ay Afduubteen.
Al-Shabaab ayaa dhawaan soo bandhigay Gaari uu lahaa Xisbiga Jubilee ee Madaxweyne Kenyatta oo ay kasoo Afduubteen dalka Kenya.