Gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya oo ka qayb galaya Shirka Baarlamaanada Afrika

Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari ayaa u ambabaxay dalka Koofur Afrika, halkaasoo uu uga qeyb galayo shirka Guddoomiyeyaasha Baarlamaanka Afrika.

Wafdiga uu hoggaaminayo Guddoomiye Jawaari ayaa waxaa ka mid ah Xildhibaano ka tirsan golaha shacabka.

Guddoomiye Jawaari iyo wafdigiisa ayaa inta ay ku sugan yihiin Koofur Afrika la kulmi doona Madaxda baarlamaanada Afrika ee shirka ka soo qeyb geli doona.

Xarunta Baarlamaannada Afrika ayaa ku taala magaalada Johannesburg ee dalka Koofur Afrika, waxaana ka dhaca shir sanadle ah oo diirada lagu saaro xaaladaha ka taagan dalalka Afrika iyo sidii loo xoojin lahaa iskaashiga ka dhaxeeya Baarlamaanada Afrika.