Al-shabaab oo sheegtay in ay gubeen Gaari ay leeyihiin Ciidamada AMISOM

Wararka aan ka hleyno qeybo ka mid ah degmada Mahadaay ee Gobolka Shabeellaha dhexe ayaa waxa ay sheegayaan in qarax Miino oo khasaaro geestay uu ka dhacay duleedka degmadaas.

Qaraxaan ayaa ahaa Miinada nooca dhulka lagu aaso,waxana loo dhigay gaari ay la socdeen Ciidamo ka tirsan kuwa Amisom gaar ahaan Burundi.

Al-Shabaab ayaa War ay ku soo qoreen Baraha ay ku leeyihiin Internet-ka waxa ay ku sheegeen in Qaraxaasi ay ku gubeen mid ka mid ah Gawaarida Ciidamada Amisom.

Majirto warar kale oo sheegaya in ay Al-shabaab gubeen Gaari ay leeyihiin Ciidamada AMISOM marka laga soo tago Sheegashadooda.

Sidoo kale wax war ah kama soo saarin  Maamulka degmada Mahadaay qaraxan miinada ah ee lala beegsaday Askar Amisom ah.