Golaha Wasiirada maamulka Puntland oo lagu dhawaaqay

Madaxweynaha Puntland ayaa goor dhow ku dhawaaqay Golihiisa wasiirada oo ka kooban 50 xubnood oo isugu jira wasiiro, wasiiru-Dowlayaal iyo ku xigeeno.

Afhayeenka madaxtooyada Puntland C/llaahi Max’ed Jaamac Quraan Jecel ayaa saxaafda u aKhriyay degreetada ka soo baxday xafiiska Madaxweyne C/weli Gaas ee  ku aadaneyd liiska golaha wasiirada.

Dr C/weli Max’ed Cali Gaas Madaxweynaha Dowlad Gobaleedka Puntland oo maal mahan ku mashquulsanaa kulamo wada tashi ah ayaa soo geba gebeeyey wadatashiyadaasi, iyadoo goor dhow aqalka madaxtooyada Puntland ee magaalada Garowe loogu dhawaaqey Golaha wasiirada cusub ee maamulka Puntland.

Baarlamaanka maamulka Puntland ayaa bishii la soo dhaafay kala diray Golihii hore ee wasiirada, kadib markii lagu eedeeyey wax qabad la’aan.