Al-Shabaab oo soo bandhigay Gaari ay kasoo Qafaasheen Xisbiga Madaxweynaha Kenya ee Jubilee

Al-Shabaab ayaa soo bandhigay Gaari ay ka soo gafaasheen Xisbiga Jubilee ee ah kan uu hoggaamiyo Madaxweynaha dalka Kenya Uhuru kenyata.

Gaarigaan ayaa waxa si gaar ah u lahaa Gudiga doorashada dalka Kenya kaas oo weerar lagu soo qafaashay uu dhwaan ka dahcay Gudaha dalka Kenya.

Gaarigaan oo Midabkiisu uu yahay Casaan ama Gaduud, ayaa hada Gacanta ugu jira al-Shabaab,waxana dowladda Kenya ay horay u xaqiijisay in uu jiro Qafaalashada Gaarigaas.

Gaarigan ayaa markii lasoo qafaalanay waxaa socotay olole balaaran oo loogu jiray madaxweyne Uhuru kenyata kaasoo si xoogan u doonaya inuu kusoo laabto doorashada maalmo kadib ka dhacaysa dalka Kenya.