Inta la xaqiijiyay ilaa 7 Askari oo isugu jira Ciidamada Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya iyo kuwa Itoobiya ayaa ku geeriyootay kadib qarax lagula eegtay qeybo ka mid ah degmada Waajid ee Gobolka Bakool.
Ciidamadaan ayaa ku soo jeeday magaalada Baydhabo,waxaana xili ay marayeen meel u dhow degmada Waajid ay la qaraxday Gawaaridii ay wateen Miinada nooca dhulka lagu Aaso.
War qoraal ah oo ay Barta Internet-ka soo dhigeen Alshabaab ayaa waxa ay ku sheegeen in qaraxaasi ay ka dambeeyeen.
Al-Shabaab ayaa sidaan oo kale la beegsada qaraxyo kala duwan ciidamada dowladda iyo kuwa Amisom balse qaraxan ayaa kusoo aadaya xili ay Al-shabaab kordhiyeen weerarada iyo qaraxyada ay ka wadaan Gobolada Bay, Bakool iyo Shabeelaha Hoose.