Xildhibaanada golaha shacabka ayaa maanta soo afjari doono go’aan ka gaarista dooda la xiriirta xil heynta Wasiir Xoosh, kaddib markii todobaadkii hore uu ka baaqsaday u yeeristii Baarlamaanka ee ka dambeysay xiisadii ka dhalatay ka hor imaanshihii qaraarkii Baarlamaanka uga soo hor-jeestay go’aankii Maxkamadda sare.
Kulanka maanta oo sabti ah ay Xildhibaanada isugu imaanayaan ayaa noqon doonaa mid lagu soo afjaro dooda maalmahan hareysay Baarlamaanka ee la xiriirta arrinta Wasiir Xoosh ee muranka weyn dhalisay.
Xildhibaanada Baarlamaanka ayaa ku kala qeybsamay arrinta Wasiir Xoosh, kaddib markii uu todobaadkii hore hor imaan waayay Baarlamaanka, qaar ka mid ah Xidlhibaanada ay soo jeediyeen in xilkiisa dib u eegis lagu sameeyo.
Labadii habeen ee la soo dhaafay ayaa waxaa Muqdisho ka socday kulamo iyo olole lagu xalinayay xiisada u dhaxeysa Baarlamaanka iyo Wasiir Xoosh, waxaana ololaha ku jiray Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha, Madaxtooyada iyo Wasiiro ka tirsan Xukuumadda.
Kulankii Arbacadii la soo dhaafay u baaqday kooram la’aanta ayaa sababay wal wal la xiriira mustaqbalka xil heynta Wasiirka, waxaana dad badan ay saadaalinayeen in hadii kulankaas uu qabsoomi lahaa ay dhici laheyd in Wasiirka loo qaado codka kalsoonida, sidaas darteed qaab farsamo ah lagu baajiyay kulanka.
Go’aanka Baarlamaanka ayaa ku xiran sida ay uga qancaan jawaabta Wasiirka, waxaana hadii uu raalli gelin ka bixiyo hadalkiisa ay u badan tahay in aanay xiliiisa ku sameyn dib u eegis oo ay fasaxaan.