Xiisad colaadeed Oo laga dareemayo Deegaanka Xeraale

Xiisad dagaal ayaa saakay ka taagan deegaanka Xeraale ee Gobolka Galgaduud taas oo u dhaxeysa Ciidamo taabacsan Maamulka Gobolada Dhexe ee Ahlusuna Waljamaaca.

Shalay ayaa sidoo kale halkaasi uu ku dhexmaray dagaal labada dhinac kaas oo geestay khasaaro dhimasho iyo dhaawac ah walow aan maanta jirin wax dagaal ah laakin weli cabsi ayaa ka jirta maadaama Ciidamadii dagaalamay ay ishor fadhiyaan.

Dadkii ku noolaa deegaanka Xeraale ayaa badankood waxa ay isaga baxeen magaaladaas kuwaas oo ka cabsi qabay in ay waxyeelo ka soo gaarto dagaalkaas sidaasi waxaa dalsan u sheegay gudoomiyaha deegaank Xeraale.

Maamulka deegaanka Xeraale ayaa dhankooda waxa ay sheegeen in ay soo weerareen Ciidamada Ahlusuna balse dhankooda ay iska difaaceen.