Al-shabaab oo si Buuxda ula wareegay Deegaanka Leego ee gobolka Sh/hoose

Dagaalyahanada Al-shabaab goor dhaw oo maanta ah la wareegay gacan ku heynta deegaanka Leego oo 120km dhinaca galbeed ka xiga magaalada caaasimada ah ee Muqdisho.

Dib u qabsashada Al-shabaab ee Leego ayaa timid kaddib markii ay halkaa isaga baxeen ciidamada AMISOM oo mudo dheer saldhig ku lahaa.

Qeybtii ugu danbeysay ciidamada Uganda ee halkaa saldhiga ku lahaa ayaa la sheegay in ay isaga baxeen subaxnimdii hore ee saakay, taasoo keentay in Al-shabaab gudaha u galaan deegaanka.

Leego ayaa horey saldhig ugu ahayd ciidamada Burundi oo kooxda Al-Shabaab ay halkaas ku weerareen 26-kii June ee 2015-kii, waxaana weerarkaa ku dhintay askar badan oo ka tirsanaa howlgalka midowga Africa.

Maamulka Koonfur galbeed oo arintan ka hadlay ayaa sheegay in aan lala soo socdsiin tallaabada ay ciidamada halkaa uga guureen.

Dhinaca kalana ma jiro wax war ah oo ka soo baxay taliska AMISOM iyo dowladda federaalka oo la xiriira sababta ay ciidamada halkaa uga baxeen.