Mudane Maxamed Maxamuud Cali (Afgooye) ayaa loo magacaabey Hanti Dhowraha Guud ee Dowladda Federaalka Soomaaliya 3di Agoosto, 2017.
Mudane Maxamed ayaa ah aqoon yahan leh in ka badan shan iyo toban sano oo khibrad maamul dowladeed iyo ganacsiba, kana soo shaqeeyey maamulka dhanka xisaabaadka, hantidhowrka, qorsheynta qaranka, maamulidda qandaraasyada.
Mudane Maxamed wuxuu jagooyin sare ka soo qabtey dowladda hoose ee Washington, D.C. ee dalka Mareykanka. Wuxuu kaloo ka soo shaqeeyey shirkadaha ganacsiga, gaar ahaan isgaarsiinta isagoo door ka ciyaarey isku biiridda labo shirkadood oo waaweyn oo lahaa hanti lagu qiimeeyey $70 Billion. Dr. Maxamed wuxuu kaloo aasaase iyo madax u ahaa hay’adda lagu magacaabo Somalia Forward Foundation (SFF) oo ah hay’ad ka shaqeysa la talinta dowladaha, shirkadaha iyo hay’adaha daneeya horumarka iyo dib u dhiska Soomaliya.
Mudane Afeey ayaa lagu badalay Hanti dhowrahii Guud ee Qaranka Mudane Nuur Faarax kadib markii lagu cadaadiyay inuu xilkaas ka dago sababo la xariira mid kamid ah ilaaladiisu marki ay xabado ku fureen gaari uu watay Wasiirkii Hore Cabaas Siraaji Allaha u naxariistee Xabadahaas ayaana sababay geerida ku timid Wasiir Cabaas.