Kaniisadii dhawaan laga furayay Magaalada Hargeysa oo la xiray

Maamulka Soomaaliland ayaa War maanta ka soo baxay waxaa lagu sheegay in gebi ahaanba Al-Baabada la isugu dhuftay Kaniisadii dhawaan dib looga hirgeliyay Gudaha Magaalada Hargeysa mudo 30,Sano ah kadib.

Wasiirka Diinta iyo Awqaafta Maamulka Soomaaliland Sheekh Khaliil Cabdillaahi Axmed oo Maanta shir Jara’id ku qabtay Magaalada Hargeysa  ayaa sheegay in Soomliland  marna aysan jirin cid ay heshiis kula gashay.

Waxa uu sheegay in Kaniisadaan ay aheyd mid dib loo dayactiray kadib markii gumeestihii ingiriiska oo Hargeysa ka dhistay mudo hada laga joogo 70 Sno.

Waxa uu sheegay in xiligaan wixii ka dambeeya ay Al-Baabada isugu dhufteen Kaniisadaas.

Warkan kasoo baxay Soomaaliland ayaa aad u farxad galin doona culimaa’udiinka iyo shacabka ku dhaqan magaalada Hargeisa iyo guud ahaan gayiga Soomaaliland.