DHAGEYSO: Culimada Soomaaliland oo si aan gambasho lahayn uga hadashay Kaniisada dib looga furayo Hargeisa

Xubno ka mid ah culimada Somaliland ayaa baaq ka soo saaray Kiniisad la sheegay in dayactir lagu sameeyay oo ku taalla magaalada Hargeysa.

Culimada ayaa madaxda Soomaaliland u soo jeediyey talooyin ku saabsan habka loo wajahayo kaniisaddaas oo ay sheegeen in aanay bannaanayn dib-u-dayactirkeedu. Waxay shacabka ugu baaqeen inay ilaaliyaan midnimada iyo xasiloonida Soomaaliland.

Culimadan oo xalay warbaahinta kula hadlay Hargeysa, kana mid ahaayeen Sheekh Maxamed Cumar Dirir, Sheekh Cali Maxamed Geeddi, Sheekh Xasan Cabdisalaan iyo culimo kale.

Marka laga soo tago Culumada ayaa waxaa jiray walaac ay arintaan ka muujinayeen Siyaasiyiinta iyo bulshda qeybahooda kala duwan ee ku nool Magaalada Hargeysa.

Bayaankaan ka soo baxay Culumada Magaalada Hargeysa waxaa Warbaahinta u Akhriyay Sheekh Ismaaciil Cabdi Hure.

Hoos Ka Dhageyso Codka Bayaanka Culumada