Madaxweynaha maamulka Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa kulan la qaatay Guddoomiyihii hore ee Golaha Wakiilada Somaliland C/raxmaan Maxamed C/laahi (Ciro), oo maanta xilkaasi iska casilay.
C/raxmaan Ciro oo maanta is caslilay markii kadib uu ku dhawaaqay is casilaadiisii ayaa Aqalka Madaxtooyada Somaliland waxa uu ku booqday Madaxweyne Siilaanyo oo uu salaan ugu tagay.
Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) Madaxweynaha maamulka Somaliland ayaa Guddoomiyihii hore ee Golaha Waskiilada Somaliland ugu duceeyay in uu Alle u fududeeyo howlaha iyo danta uu leeyahay.
Markii uu dhamaaday kulankii u dhaxeeyay Madaxweyne Siilaanyo iyo Guddoomiyihii hore ee Golaha Wakiilada Somaliland ahna Musharaxa xisbiga Wadaniga, waxaa saxaafada la hadlay Ciro, kaasi oo faah faahiyay kulankooda waxyaabaha ay uga hadleen.
“Sidaas daraadeed maadaama Qaranka aan mudo dheer xil u hayay waxaan soo booqday Madaxweyne Siilaanyo, oo aan ku wargelinayay inaan baneeyay howshaas iyo dar daaran, Madaxweynuhuna kulankaasi si wanaagsan ayuu noogu dhamaaday”. Waxaa sidaasi yiri C/raxmaan Ciro.
Afhayeenka Madaxtooyada Somaliland Xuseen Deer ayaa dhankiisa ka hadlay kulanka dhexmaray Siilaanyo iyo Guddoomiye Ciro, wuxuuna sheegay kulanka labada dhinac in uu ahaa mid taariikhi ah.
C/raxmaan Maxamed C/laahi (Ciro) oo maanta si rasmi ah isaga casilay xilka Guddoomiyihii Golaha Wakiilada Somaliland, ayaa ah Murashaxa jagada Madaxweynanimo ee xisbiga Mucaaradka Wadani ee maamulka Somaliland.
Somaliland ayaa si weyn waxaa looga diyaar garoobayaa arrimaha la xiriira doorashada Madaxtinimada, iyadoo axsaabta Siyaasadda ay ku guda jiraan loolan adag.