Guddiga Gurmadka Abaaraha Qaran oo Raashinkii Deeqda ahaa u kala qeybiyay Maamul Goboleedyada dalka (SAWIRRO)

Guddiga Qaran ee Abaaraha Somaliya ayaa raashin u kala diray Dowlad Goboleedyada ka jira dalka waxaana Guddiga ay hadda shir jaraa’id ku qabteen magaalada Muqdisho.

Raashinka ayaa loo kala diray Dowlad Goboleedyada kala ah Puntland,Galmudug,Hirshabeella iyo Jubaland,waxaana la fiyaa in saacadaha soo socda uu raashinkaas gaaro dadka loogu talo galay ee ku dhaqan dhulka ay maamulaan dowlad Goboleedyada loo diray.

Maamul Goboleedkasta waxaa loo diray 1500 oo Tan oo Raashin ah,waxaana Raashinkan Somaliya soo gaarsiiyay waddamada Turkiga iyo Indonesia.

Xubnaha Guddiga Gurmadka Abaaraha Dalka ayaa ka mahad celiyayay gurmadka ay soo gaarsiiyeen Waddamada Turkiga iyo Indonesia oo ka mid ah Waddamada ugu tunka weyn Dunida Muslimka.

Shalay ayey ahayd markii Raashin gargaar ah oo ka yimid Dalka China lagu wareejiyay Hay’adda WFP ee Qaramada Midoobey u qaabilsan Cuntada.