Ciidamada Amaanka Maamulka Somali-land gaar ahaan Ciidanka laanta socdaalka iyo ilaalada xuduudaha ee gobolka gabiley fadhigooduna yahay degmada Wajaale ayaa gacanta ku dhigay saddex talaagadood oo ay ku jiraan beer iyo kalyo aan la aqoonsan waxaa ay yihiin.
Ugu horeyntii Taliyaha laanta socdaalka iyo ilaalada xuduudaha gobolka gabilay gaashaanle Abdirashiid Ahmed Hasan ayaa sheegay In subaxnimadii hore ee shalay ay Ciidamada gacanta ku dhigeen saddex talaajadood oo ay ku jiraan (500) oo Xabo oo beer ah iyo (300) oo kalyo ah loona waday dhinaca magaalada Hargaysa.
Taliyuhu waxa uu sheegay in shixnadaan beerka iyo kalyaha isugu jirta ee ay qabteen loo waday dhinaca caasimada hargaysa oo la doonaayay in sifo kootarabaan ahaan ah loo galiyo,laakiin nasiib wanaag ciidanka laanta socdaalka iyo ilaalada xuduudaha wajaale ay ku guuleysteen qabashadooda.
Sidoo kale Taliyaha ayaa sheegay in shixnadda uu waday hal qof isagii iyo shixnadiiba xabsiga loo taxaabay baaritaana ku socdo cidii uu u waday ee hargaysa joogtayna lagu daba jiro oo la soo qabandoono sharcigana la horgayn doono sida uu taliyuhu sheegay.
Sidoo kale Talaiyaha ayaa sheegay in aysan jirin baahi kalifaysa in Hargeysa lasoo galiyo Beer iyo Kalyo Talaajadaysan, isla markaana baaq iyo degniin u diray Hoteelada iyo Maqaayadaha ku yaal magaaladaas in ay ka foojignaadaan Hilbaha aan la hubin iyo kuwa Nadaafadoodu liidato intaba.