Dowladda Shiinaha oo deeq Raashin ah soo gaarsiisay Soomaaliya (SAWIRRO)

Dowladda Shiinaha ayaa Deeq Raashiin ah oo loogu tala galay shacabka Soomaaliyeed ee ku nool magaalada Muqdisho waxa ay ku wareejisay Hay’adda WFP.

Munaasabad Deeqdan lagu gudoonsiinayay Hay’adda WFP oo ka dhacday magaalada Muqdisho ayaa waxaa goobjoog ka ahaa Wasiirka Wasaaradda Gargaarka iyo Maareynta Masiibooyinka Soomaaliya Maryan Qaasim, Safiirka Shiinaha ee Soomaaliya iyo Madax ka socotay WFP.

Deeqdan uu Shiinaha ugu deeqay Dowladda Soomaaliya ayaa waxa ay ka kooban tahay Bariis, kaasi oo ah laba kun iyo Sideed boqol oo Tan.

Deeqdan ayaa waxaa si gaar ah loogu tala galay shacabka Soomaaliyeed ee ku nool xeryaha barakacayaasha ee ku yaalla gobolka Banaadir iyo dadka Danta yar.

Wasiirka Gargaarka Soomaaliya ayaa sheegtay Deeqdan in Soomaaliya loo soo marsiiyay WFP, ayna daba socoto Deeq hore oo bishii April ee sanadkan Shiinaha uu ku warejiyay Dowladda Soomaaliya.

Waxa ay sheegtay Wasiir Maryan Deeqdan in loo isticmaali doono xarumaha cuntada bisil laga dhiibo ee ku yaalla gobolka Banaadir, iyada oo sidoo kale sheegtay maalinkii in la quudin doono dad ku dhow 95,000 oo Qof, waxayna tilmaamtay Deeqdan in ay socon doonto ilaa Saddex Bilood.

Dhanka kale Safiirka Shiinaha ee Soomaaliya ayaa sheegay Deeqdan in ay ugu tala galeen shacabka Soomaaliyeed ee ku dhibaateysan gobolka Banaadir, sidoo kalena aysan halkan ku ekaan doonin Gargaarka ay u sameynayaan shacabka Soomaaliyeed.