Faah faahinta: Gaari Aroos qaadi lahaa oo la qarxiyay

Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya Qarax Gaari oo ka dhacay degmada Waaberi ee gobolka Banaadir gaar ahaan Waaxda Horseed, kaasi oo laga maqlay xaafadaha demagaasi, sida ay inoo sheegeen dadka degaanka.

Qaraxan ayaa Gaarigiisa loogu xiray nin lagu magacaabo Cabdi Cunguf oo degmada Waaberi si weyn looga yaqaano, waxaana uu horey uga mid ahaa Hoggaamiye kooxeedyadii dalka soo maray.

Qaraxan ayaa waxaa ku dhaawcaantay ilaa Saddex ruux oo Cabdi Cunguf uu ka mid yahay, Haweeney degan goobta uu Qaraxa ka dhacay, iyo wiil yar oo dhigta Dugsi Qur’aan, waxaana dhaawacyadooda loo qaaday mid ka mid ah isbitaalada ku yaalla magaalada Muqdisho.

Cabdi Cunguf ayaa la sheegay dhaawaciisu in uu yahay mid fudud, garabka ayuuna ka dhaawacmay, halka wiilka yar dhaawiciisu yahay mid culus, sida ay inoo sheegeen dad isbitaalka u qaaday.

Gaariga Qarxay ayaa nuuciisa waxa lagu sheegay PREMIO, oo Taargadiisa lagu tahay AB-2758, waxaana Gaariga soo gaaray burbur xoogan.

Warar kale ayaa waxa ay sheegayaan Gaariga Qarxay in uu ahaa mid aad loo soo qurxiyay, kaasi oo lagu soo daday Ubaxyo iyo waxyaabo kale, maadaama sida qorshaha uu ahaa la doonayay in Aroos lagu galbiyo.

Goobta uu Qaraxa ka dhacay ayaa waxaa gaaray Maamulka degmada iyo Ciidamada ammaanka, iyaga oo xiray Agagaarka goobta uu Qaraxa ka dhacay, baaritaano ayay halkaasi ka sameeyeen, kadibna goobta ayay isaga dhaqaaqeen sida caadada aheyd.