Ra’iisul Wasaaraha dalka Mudane Xasan Cali Khayre ayaa uga tacsiyadeeyey Qoysaska, Qaraabada iyo dhammaan shacabka Soomaaliyeed qaraxii shalay Shabaabka ay ka geysteen wadada Makkah Al-mukarama ee magaalada Muqdisho.
“Waxaan tacsi u dirayaa ehellada iyo qaraabada ay ka geeriyoodeen dadkii ku dhintay qaraxaas, waxaan sidoo kale ALLAH uga baryayaa kuwa dhaawacmay inuu caafimaad deg-deg ah siiyo ” ayuu yiri R/W Khayre.
Ra’iisul Wasaaraha ayaa u sheegay shacabka Soomaaliyeed in hal dhinac looga soo wada jeesto ficillada Shabaabka ay la beegsanayaan shacabka aan waxba galabsan.
“Waa inaan meel uga soo wada jeesanaa Argagixisada liddiga ku ah jiritaanka iyo qaranimada ummada Soomaaliyeed” ayuu raaciyey Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre.
Dadkani waa dad aan arxan lahayn waana dadka ay u dhibantahay maanta Soomaaliya waxayna mar walba dhibaato ku hayaan qof walba oo Soomaaliyeed ee haloo istaago sidii la isaga caabin lahaa dadkan.