Waxaa Magaalada Muqdisho lagu soo gabagabeeyay Shirkii u dhaxeeyay dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Amisom kaas oo ka socday Xarunta Xalane ee Magaalada Muqdisho.
Shirkaan oo socday mudo 4 Malmood ah ayaa waxaa looga hadlayay qodobo ay ka mid yihiin sida ugu wanaagsan ee Ciidamada dowladda Federaalka Soomaaliya ay amniga dalka kala wareegaan Ciidamada Midowga Afrika ee Amisom.
Gabagabada kulanka ayaa waxaa laga soo saaray qodobo ay ka mid yihiin in Ciidamada Soomaaliya hada lagu wareejiyo Baraha ay ku sugan yihiin ciidamada Amisom.
In Midowga Afrika ay ka qeyb qaataan dhismaha Ciidamada kala duwan ee dowladda federaalka Soomaaliya.
In laxoojiyo dardargelin holwgalada ka dhanka ah Al-Shabaab oo ay s iwadajir ah u fulin doonaan ciidamada Xoogga dalka iyo kuwa Amisom.
In Ciidamada xoogga dalka Soomaaliya lasiiyo tababaro dheeraad ah iyo qalabkii ay ku Shaqeyn lahaayeen si ay u hantaan amniga dalka.
Ugu dambeyn in Amisom ay garab istaagto sidii dowladda Federaalka Soomaaliya ay u dhisi laheyd Ciidamo iskudhaf ah oo hanta guud ahaan Amniga dalka Soomaaliya.
Dowladda Soomaaliya ayaa waxa ay ku dadaaleysaa sidii ay u heli lahaayeen ciidamo ka kooban dhowr qeybood kuwaas oo howla kala duwan u qaban doona Xukuumada Soomaaliya.