AKHRISO: Mooshinka culus ee loo diyaarinayo Masuul sare oo katirsan Maamulka Galmudug

Xildhibaano ka tirsan baarlamaanka Maamulka Galmudug ayaa wada Mooshin ka dhan ah Madaxweyne ku xigeenka Maamulka Galmudug Maxamed Xaashi Cabdi Carabey kaasi oo ay ku eedeeyeen Howlgudasho la’aan ay ka mid tahay ilaa iyo Markii la dooratay in  Xafiiskiis uusan Sameyn wax dhaq-dhaqaaq ah oo ku aadan kaalinta uu ku leeyahay Howlaha Maamulka.

Mooshinkaan oo aan wali soo Shaac bixin ayaa Xildhibaanada wada waxa ay badan yihiin kuwa kasoo jeeda Waqooyiga Gobalka Galgaduud oo uu ka soo jeedo Carabey waxaan ay Xildhibaanadaasi ay ku eedeeyeen Madaxweyne ku xigeenka Galmudug in uu gabay Howlihii loo idmaday ee ahaa in uu qeybaha sare ee Maamulka uu ku Matalo Bulshada Deegaanada Waqooyi halkaasi oo ay ka jirto Colaad u dhexaysa Qabaa’ilka iyo Abaar saameyn ba’an ku yeelatay Bulshada.

Qaarka mid ah Xildhibaanada ka soo jeeda Dagmada Caabuwaaq ee Gobalka Galgaduud ayaa tilmaamay Sababtay ay Mooshinkaan ay wadaan inay tahay in Madaxweyne ku xigeenka Maamulka Galmudug Maxamed Xaashi Cabdi Carabey iyo Shaqsiyaad kale oo Maamulka ka tirsan Musuq-maasuqeen Gargaarkii Deegaanada Waqooyi ee Gobalka Galgaduud.