Magaalada Hargeysa oo dib looga furayo Kaniisad xirneed muddo 30 Sano ah

Mudo laga joogo 30 Sano kadib waxaa Magaalada Haregysa ee deegaanada Maamulka Soomaaliland laga furayaa Kaniisad ay ku Cibaadeysan doonaan dadka heesta diinta Kirishtaanka ee ku nool deegaanada Soomaaliland.

Dib u furista Kaniisadan ayaa waxaa doorweyn ku lahaa Haweeney Kirishtaan ah oo lagu magacaabo Maria Vechhinno taas oo ka Shaqeeysa Isbitaal ku dhexyaala Jaamacad ku taala Magaalada Hargeysa.

Maria Vechhinno oo khubad ka jeedineysay Munaasabad looga hadlayay mutadacninada ayaa waxa ay sheegtay in u jeedooyinkii ay u timid Hargeysa ay ka mid aheyd furitaanka Kaniisadan islamarkana ay ku guuleysatay.

Haweeneydan ayaa sheegtay in ay furitaanka Kaniisadan ay kala hadashay Masuuliyiinta Maamulka soomaaliland ayna ku war galisay in dib loo furayo Kaniisadan mudada xirneed.

Shacabka iyo Culumada Magaalada Hargeysa ayaa 24-kii Saac ee la soo dhaafay waxa ay hadalhayaan Kaniisadaan laga furayo Magaalada Hargeysa,waxana lagu wadaa in Maalinta Jimcaha ah ee soo socota Salaada Jimcaha Masaajida Hargeysa looga hadlo arintan ku aadan furitaanka Kaniisada.