Diyaaradaha dagaalka ee Kenya oo duqeymo ka geystay Gobolka Gedo

Gelinkii dambe ee Maanta ayaa waxaa diyaarado dagaal ay Duqeyn ka geesteen qeybo ka mid ah gobolka Gedo duqeyntaas oo geeysatay khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

Maamulka Gobolka Gedo ayaa waxa ay sheegeen in duqeyntaas lala bartilmaameedsaday fariisimo ay Al-Shaabaab ku lahaayeen  degmada Garbahaareey  ee Gobolkaasi Gedo islamarkaana khasaaro lagu gaarsiiyey.

Cismaan Nuur Xaaji gudoomiye ku xigeenka Amniga Gobolka Gedo ayaa warbaahinta u sheegay in Saraakiil ka tirsan Al-Shabaab oo isugu jira Soomaali iyo Ajaanib la duqeeyay balse ma uusan cadeyn khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay duqeyntaas.

Sikastaba Diaayrado dagaal oo laga leeyahay dalka Kenya ayaa dhowr mar duqeymo ka geestay qeybo ka mid ah gobolka Gedo kuwaas oo lagu eedeeyo in mararka qaar ay duqeeyaan Goobo ay ku sugan yihiin dad rayid ah.