Madaxweynaha Maamulka Galmudug oo dib ugu laabtay magaalada Cadaado (Sawirro)

Madaxweynaha maamulka Galmudug Axmed Ducaalle Geelle (Xaaf) ayaa maanta dib ugu laabtay magaalada Cadaado oo xarun KMG u ah maamulka Galmudug, kadib howlo shaqo oo uu ku maqnaa.

Madaxweynaha iyo wafdiga uu hoggaaminayay ayaa waxaa Garoonka Diyaaradaha magaalada Cadaado ku soo dhaweeyay Madaxweyne ku xigeenka Maxamed Cabdi Xaashi (Carabey), Wasiiro, Xildhibaano iyo qeybaha kala duwan ee bulshada.

Xaaf markii uu tagay magaalada Cadaado warbaahinta ayuu halkaasi kula hadlay, wuxuuna faah faahiyay arrimhii uu ku maqnaa, wuxuuna sheegay shirweyne Qaran oo Galmudug la xiriira in dhowaan uu ka furmi doono magaalada Muqdisho, kaasi oo ay qaban qaabadiisu leedahay QM.

Wuxuu sheegay shirka ka furmi doona magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya in looga hadli doono arrimaha Siyaasada, Samafalka, Ammaanka iyo xalinta khilaafaadka Ahlusuna iyo Galmudug.

Ugu dambeyntii Madaxweyne Xaaf ayaa maamulka Ahlusuna ugu baaqay in ay ka qeyb qaataan nabadda, isaga oo sidoo kale Nabadoonada Mudug ka dalbaday in ay xaliyaan colaada ka taagan degaanka Xeraale oo ka tirsan gobolka Galgaduud.

SAWIRRO