Agaasimaha Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadaha oo ka hadlay heerka uu marayo waqtigan Baasaboorka Soomaaliga

Maxamed Aadan Koofi Agaasimaha Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadaha Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegay in ay ku dadaaleen sidii Shacabka Soomaaliyeed ay si hufan u wada qaadan lahaayeen Baasasboorka Soomaaliga ai uu u yaraado qaadashada Baasaboorka Ajnabiga.

Isagoo ka qeybgalayay Barnaamij ka baxa Warbaahinta Dowladda ayaa waxa uu sheegay in haatan dadka Soomaliyeed badankood ay yihiin kuwo wata Baasaboorka Soomaaliga taasna ay keentay dadaal farabadan oo ay sameysay Hay’adda Socdaalka iyo jinsiyadaha Soomaaliya.

Maxamed Adan Koofi ayaa sheegay in ay jiraan Wali ganacsato isticmaasho Baasaboorka Ajnabiga asagoona kula taliyay in ay qaataan Baasaboorka Soomaaliga isla markaana aysan wax sharuud ah oo lagu xirayo Qaadashadiisa waana Baasaboorka Caadiga ah sida uu hadalka u dhigay.

Sidoo kale Koofi ayaa waxa uu sheegay Dalka India in ay Soomaali badan u tagto Caafimaad iyo arrimo Ganacsi laakiin Waayadan dambe in Shacabka Soomaaliyeed ay dhibaato ku qabaan helida Visaha dalka India taasna ay kala hadleen  Masuuliyiinta dalkaas tasna ay ugu wacan tahay sababo la xiriira dhanka amniga iyo Qaladaad fara badan oo Soomaalida dhankeeda ka dhacay balse waxa uu ka gaabsaday inuu carabaado Qaladaadkaas.