Waxaa goordhow xal laga gaaray Banaanbaxayaashii Careesnaa ee xiray qeybo ka mid ah Wadada Maka-Almukarama kuwaas oo ka careesnaa Ciidamadii lagu dilay Shaqaaqadii Shalay ka dhacday Magaalada Muqdisho.
Saraakiil ka tirsan dowladda ayaa gaaray Goobta ay ku banaanbaxayeen dadka careysan oo ah inta u dhaxeysa Isgosyada Dabka iyo Sayidka,iyaga oo u sheegay in arintas la xaliyay iyo sida ay wax u dhaceen baaritaan uu ku socdo.
Jacfar oo ka mid ah Saraakiisha Ciidamada Nabad-Sugida Soomaaliya ayaa banaanbaxayaasha u sheegay in dadkii ka dambeeyay dilkaas la xiray dadkana looga baahan yahay in ay isdejiyaan islamarkaana ay Wadad furaan.
Wararka an hada heleyno ayaa waxa ay sheegayaan in dadkii careesnaa ay dib u fureen Wadadii ay xireen haatana sicaadi ah loo istcimaalayo.